Weftigii uu hogaaminayey Agaasimaha Xarunta Waddaniyadda iyo Tababarada Dastuurka


Weftigii uu hogaaminayey Agaasimaha Xarunta Waddaniyadda iyo Tababarada Dastuurka ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland iyo Agaasimaha Xarunta horumarinta Manaahiijta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa kulan la qaatay Madaxda ugu Saraysa Komishanka Waddaniyadda ee Dalka Gaana ,kaas oo ah Komishankii ay Marti qaadka Rasmiga ah ka heleen.
Waxana Kulanka Goobjoog ka ahaa:
1.Kathleen Addy
Gudoomiyaha Guud Ee Komishanka
2.Samuel A. Akuamoa
Gudoomiye Ku xigeenka Dhanka Hawlaha
3.Victor K. Brobbey
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda
4.​Lucille Hewlett Annan
Xoghayaha Guud ee Komishanka
6.Dr. Henrietta Asante-Sarpong
Agaasimaha Cilmibaadhista komishanka
7.Dr Imurana Mohammed
Agaasimaha Barmaamijyada.
Kulanka oo saacdo badan qaatay waxa lagaga wada hadlay sidii labada dhinac isaga kaashan lahayeen horumarinta Waddaniyadda .
Dhinaca kale Weftigii Somaliland ka socotay waxa ay Masuuliyiinta Komishanka ka codsadeen in ay ka caawiyaan dhinaca Aqoonta iyo Xirfadaha Hawl wadeenada wayna ka aqbaleen waxana dhowaan dalka imanaya Wefti ka socota Komishanka Waddaniyada ee dalka Gaana.
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka.