Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka iyo hay’adda caalamiga ah ee Oxfam ayaa yeeshay kulan wada-shaqayn.

Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan wada-shaqayn ah la yeeshay hay’adda caalamiga ah ee Oxfam, kaasi oo lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac ee ku saabsan barnaamijyada horumarinta aqoonta dastuuriga ah, wacyigelinta bulshada, iyo kobcinta dawladnimada.
Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan, waxaana ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal), iyo qayb ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda.
Intii uu kulanku socday, ayaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo hay’adda Oxfam, gaar ahaan dhinacyada wacyigelinta dastuurka, taageerada barnaamijyada bulshada, iyo kor u qaadista fahamka muwaadiniinta ee nidaamka dawladnimo.
Dhanka kale, kulanka waxaa ka qayb galay wakiilada OXFAM, oo ay ka mid yihiin Marwo Juliet ,Abdiasis Adani,
Mawliid Qalinle ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Wasaaradda si loo taageero dadaallada lagu horumarinayo wacyigelinta dastuurka, daahfurnaanta iyo ka-qaybgalka bulshada ee nidaamka dowladeed.
Kulankaasi ayaa kusoo dhammaaday isfaham iyo niyad-wanaag, iyadoo labada dhinac ay isla qaateen in la sii ambaqaado qorshayaal wadajir ah oo mustaqbalka dhow la hirgelin doono.