
Kulan Dhexmaray Wasaaradaha Xidhiidhka Golayaasha iyo Wasaaradda Warfaafinta oo Lagaga Wada Hadlay Horumarinta Waddaniyadda
Kulan Dhexmaray Wasaaradaha Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL iyo Wasaaradda Warfaafinta oo Lagaga Wada Hadlay Horumarinta WaddaniyaddaAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Cabdisalaan Maxamuud Ducaale, ayaa maanta ka qeyb galay kulan muhiim ah oo ay wada yeesheen Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha ayaa diiradda lagu saaray sidii labada wasaaradood ay iska kaashan lahaayeen hirgelinta barnaamijka horumarinta waddaniyadda.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay:
- Agaasimeyaasha guud ee labada wasaaradood
- Tifaftiraha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Abiib Iimaan Xasan
- Agaasime ku xigeenka Waaxda Wacyigelinta, Axmed Saxardid Xirsi
- Agaasimaha Xarunta barshada Wadaniyadda ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cabdi Risaaq Yuusuf Jaamac
- Madaxda qeybaha waddaniyadda iyo wax-soo-saarka ee waaxda wacyigelinta
Agaasime Cabdisalaan Ducaale oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda wada shaqeynta labada wasaaradood, isagoo xusay in Wasaaradda Warfaafintu diyaar u tahay iskaashi buuxa.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Khadar Nuur Cabdi (Buubaal), ayaa si diiran u soo dhaweeyay kulanka, isaga oo sheegay in wasaaraddiisu wado barnaamijyo lagu xoojinayo waddaniyadda, islamarkaana Wasaaradda Warfaafintu tahay hay’adda ugu habboon ee bulshada lagu gaadhsiin karo barnaamijyadan.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta kale ee kulanka ka hadlay ayaa xoojiyay muhiimadda iskaashiga labada dhinac, iyagoo soo jeediyay in la sameeyo hannaan rasmi ah oo lagu mideynayo dadaallada labada wasaaradood.
Gabagabadii, waxa la isla qaatay in la magacaabo guddi farsamo oo ka kooban labada wasaaradood, si ay uga talo bixiyaan qaabka ugu habboon ee loo hirgelin karo wada shaqeynta labada dhinac.
???????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ????????????.