Wasiirka Wasaaradda ayaa Kulan Dardar-gelinta ah la Qaatay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, waxaana kulankaasi ku weheliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Khadar Nuur Cabdi(Buubaal).
Kulankan oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda ayaa ujeeddadiisu ahayd in lagu dardar-geliyo hawlaha shaqo ee saddexda bilood ee ka hadhay sannadka iyo in dib u eegis lagu sameeyo waxqabadyadii hore ee waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.
Wasiir Axmed Aw Daahir ayaa ku dhiirrigeliyey Agaasime Waaxeedyada in ay xoojiyaan wada-shaqaynta, hufnaanta iyo fulinta qorshayaasha sannadeedka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la dhammaystiro hawlaha qorshaysan ee mudada ka hadhay sannadkan.
Dhankiisa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Khadar Nuur Cabdi (Buubaal) ayaa ka hadlay muhiimadda uu kulankani leeyahay, isagoo tilmaamay in uu yahay mid lagu qiimaynayo waxqabadka hore iyo qorshaynta wejiga dambe ee soo socda.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo go’aamo lagu xoojinayo hawlaha shaqo ee waaxyaha, iyadoo la isla gartay in si joogto ah loo qabto kulamada qiimaynta iyo dardar-gelinta shaqada.