Dastuurka Jamuuriyadda Somaliland
IYADOO UU AYIDSAN YAHAY go‟aamadii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco ee 27kii April ilaa 5tii May 1991kii ee lagula soo noqday madax-bannaanida laga soo bilaabo 18 May, 1991kii; 
IYADOO UU KA SHIDAAL QAADANAYO Shirweynihii Guurtida Beelaha Somaliland ee Boorama ee 24kii Jeniwari ilaa 25kii May 1993kii ee lagu guddoonsaday Axdiga Qaranka, kaas oo: Waajibiyey in muddada kala guurka ah la diyaariyo, aftina loo qaado Dastuur Qaran oo beddela Axdiga Qaranka.  Si cad u taabtay mabaadi‟da Dastuurka iyo qaab-dhismeedka Dawladda iyada oo uu ku qanacsan yahay xaqa aan cidina ka duudsiyi karin ee uu u leeyahay aaya-ka-tashigiisa. 
IYADOO UU WAAYO-ARAG U YAHAY cawaaqib xumada Dastuur aan ku salaysnayn caqiidada, dhaqanka iyo doonista ummadda ee lagu soo maamulayey muddo soddon sannadood ah; 
IYADOO UU WAAYO-ARAG U YAHAY cidhib xumada iyo dhibaatada xukunka ku dhisan talo-maroorsiga iyo kelitalisnimada ee dalku ku soo jiray muddo ka badan labaatan sannadood, kana feejigan dib-u-soo noqoshada xukun noocaas ah; 
IYADOO UU XUSUUSAN YAHAY halgammadii isdaba jooga ahaa ee shacbiga sida kii Daraawiishta, Culimada Diinta iyo Axsaabta; 
IYADOO UU MAANKA KU HAYO halgankii kululaa ee isbahaysigii ururka SNM hogaaminayey u soo maray dibula-soo noqoshada madax bannaanida ee loo huray naf iyo maalba si loo helo nidaam dawladeed oo ummadda nasteex u ah;  
 
IYADOO UU HIGSANAYO dawladnimo ummadda wada deeqda, oo la mahadiyo, kuna dhisan sinnaan iyo caddaalad; 
IYADOO UU YAQIINSAN YAHAY in lagu gaadhi karo degganaansho iyo xasillooni waarta, is-waafajinta la iswaafajiyo dhaqan-maamuleedka dalka iyo caqiidada ummadda; 
 
IYADOO UU AAMINSAN YAHAY in ummadda Somaliland tahay qoys wax walba wadaaga sida Diinta, dhaqanka, caadooyinka iyo afka, wax ay ku kala duwan tahay sinaba u jirin, diyaarna u tahay in ay wada dhisato dawlad ay u siman tahay; 
 
IYADOO UU OGSOON YAHAY in diyaarinta Dastuurku soo martay marxalado iyo guddiyo kala duwan, oo ay ka mid ahayd guddidii isku-soo-dubbarididda Dastuurka ee Shirweynihii 3aad u xilsaaray isku shaandhaynta labadii nuqul taariikhdii 26/11/96, uguna dambaysay kaabiddii iyo wax-ka-beddelkii Dastuurka ee labada Gole Baarlamaan taariikhdiisu ahayd 30 April 2000, laguna saleeyey arrimaha soo socda;- 
 
b. Shareecada Islaamka. 
t. Go‟aan qaadasho ku timaadda talo-wadaag 
j. Isu-dheellitirnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta; Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka 
x. Baahinta iyo hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda (Decentralisation). 
kh. Dammaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhowridda suuqa xorta ah 
d.  Qiimo-weynida nolosha qofka oo la imanaysa sugidda xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadaha qofka 
r. Nabadgelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladaha gobolka iyo adduunweynaha. 
 
 
IYADOO UU SI FIICAN U DHUUXAY laf iyo ludba ararta iyo mucda Dastuurka:- 
 
Shacbiga Somaliland, waxa uu halkan ku oggolaaday maanta oo taariikhdu tahay 22 Rabe‟Al Awal 1422H (14 June 2001) isagoo adduunweynaha halkan ugu caddaynaya in uu Dastuurkan ka dhigtay Dastuurkiisa Qaran.