
Kulankii Wasiirka Wasaaradda iyo haldoorka dhallinyarada ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay haldoorka dhallinyarada ka soo jeeda gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii looga wada shaqayn lahaa danta guud ee bulshada iyo horumarinta deegaanka, iyadoo sidoo kale la isla meel dhigay in la abuuro urur mideeya dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa, kaas oo ka shaqeeya arrimaha mudnaanta u leh qaranka.
Wasiir Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan ayaa ku bogaadiyay dhallinyarada kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin nabadgelyada, wadajirka bulshada, iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya madaxda iyo shacabka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan dadaalkooda horumarineed.
Ugu dambayn, Wasiirku waxa uu ballanqaaday in la qabto kulamo kale oo isdaba joog ah si loo sii ambaqaado arrimaha muhiimka ah ee laga wada hadlay, isla markaana loo xoojiyo iskaashiga Wasaaradda iyo dhallinyarada reer Somaliland ee gobolladaasi ka soo jeeda.
-
56508011011033921719578181711515813268668295n (2)View -
56195574111033921819578178537760478780705994nView -
56622560411033924086244613737482066891103915nView -
56563378811033922986244728081453436232835410nView -
56509792211033922952911394808244570762228877nView -
56183074711033922686244757434938483145461826nView -
56346640611033923652911323375795972280200304nView -
56581265211033922252911463417021083145925426nView -
56785412511033922586244768780529654494351788nView -
5678383121103392375291131753153972064088414nView