Wasiirka Wasaaradda iyo Agaasimaha Ayaa kormeer ku tagay Xarunta Barashada Wadaniyadda Iyo Dastuurka

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan oo u waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Khadar Nuur Cabdi Buubaal, iyo qaybo ka mida Agaasimayaasha Wasaaradda Ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Barashada Wadaniyadda Iyo Dastuurka ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka.
Ujeedada kormeerka ayaa ahaa in la ogaado sida shaqadu u socoto iyo inta qaybood ee ay ka kooban tahay Xarunta Barashada Wadaniyadda Iyo Dastuurka.
Sidoo kale waxa ay indho indhayn ku sameeyen Wasiirka Iyo Agaasimuhu shaqada ka dhex socoto Xarunta halkaas oo xog ku filan laga soo siiyey