Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka oo soo xidhay kalan lagu gorfaynayay qorshaha wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Xaaji Aadam Cilmi Oo maanta soo xidhey kulan laba cisho soconayey oo lagu gorfeynayey qorshaha sanadka 2021 ee Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha Iyo arimaha Dastuurka Somaliland.
Kulankan oo ka dhacay Hotel Royal Plaza ee Magaalada Hargeisa ayaa waxa kasoo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf ,La Taliyayaasha Wasaaraddaasi ,Isuduwayaasha Gobolada ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Agaasime Waaxeedada ,madax qaybeedada Iyo Shaqaalaha kale ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.