kulan is-faham iyo wada-shaqayn ah ayaa maanta dhexmaray Wasaaradda Xidhiidhka Goleyasha Iyo Arrimaha Dastuurka iyo hay’adda FCA.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal) ayaa manta kulan is-faham iyo wada-shaqayn ah la yeeshay hay’adda FCA.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen arrimo muhiim u ah horumarka siyaasadeed iyo wacyigelinta bulshada Somaliland, Waxyaabaha la isla qaatay waxa ka mid ahaa, Ka wada shaqaynta barnaamijyada Barashada Wadaniyadda,Dhiirrigelinta Dhalinyarada si ay doorkooda uga qaataan horumarka dalka, Kobcinta dimuqraadiyadda, iyo wacyigelinta nabadda iyo xasilloonida Somaliland.
Kulanka waxaa ka qaybgalay masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Wasaaradda oo ay kamid yihiin Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, Maxamed Cismaan Cabdillaahi Agaasimaha Xarunta Wadaniyada, Dimuqraadiyadda iyo Dawladnimada Cabdirisaaq Yuusuf Jaamac.
Dhanka hay’adda FCA waxaa kulanka kasoo qayb gashay Madaxa Xafiiska Sahra Cabdiraxmaan Axmed (Sahra Kiin) Oo Uu Wehelinayo Kamal Xasan Isaq oo matalaysay hay’adda, iyadoo muujisay sida ay hay’addu uga go’an tahay in ay gacan ka geysato horumarinta barnaamijyada lagu xoojinayo wacyigelinta bulsho iyo kor u qaadista aqoonta dhalinyarada.
Kulunku Wuxuu ku soo gababgoobay is-afgarad lagu salaynayo horumar waara, wada-shaqayn joogto ah, iyo hirgelinta barnaamijyo wax-ku-ool ah oo horseedi kara bulsho xog-ogaal ah, nabad ah, kuna dhaqanta dimuqraadiyad.