Furitaanka Tobabarka kobcinayo doorka muwaadiniinta ee dhismaha nabadda iyo kor u qaadista waddaniyadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL, Mudane Khadar Nuur Cabdi Buubaal, ayaa maanta si rasmi ah uga furay Xarunta Barashada Waddaniyadda tababar laba maalmood soconaya oo lagu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL, Mudane Khadar Nuur Cabdi Buubaal, ayaa maanta si rasmi ah uga furay Xarunta Barashada Waddaniyadda tababar laba maalmood soconaya oo lagu kobcinayo doorka muwaadiniinta ee dhismaha nabadda iyo kor u qaadista waddaniyadda.
Ugu horrayn, Agaasimaha Xarunta Barashada Waddaniyadda, Abdirisaq Yusuf Jamac, ayaa ka warbixiyey ujeeddada tababarka, isagoo xusay in tababarkani yahay mid lagu xoojinayo wacyiga muwaadiniinta, laguna dhiirrigelinayo ka-qaybgalka hawlaha dhismaha dawladnimo iyo horumarinta waddaniyadda.
Abdikarim Maxamed Mustafe, oo ah khabiir ka socda hay’adda maxalliga ah ee Alliance for Peace, Integration and Climate Action (APICA) isla markaana bixiyay casharrada tababarka, ayaa si qoto dheer u iftiimiyey muhiimadda mowduucyada lagu falanqaynayo, kuwaas oo diiradda saaraya waddaniyadda, dimuqraadiyadda, iyo doorka muwaadiniintu ku leeyihiin dhismaha nabadda iyo horumarinta bulshada.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Khadar Nuur Cabdi Buubaal, oo si rasmi ah u furay tababarka, ayaa sheegay in Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ay mudnaan gaar ah siiso barnaamijyada lagu kobcinayo wacyiga muwaadiniinta, gaar ahaan dhinacyada la xidhiidha dhismaha dawladnimada , xoojinta waddaniyadda, iyo ka-qaybgalka bulshada.
Waxa uu intaa ku daray in Xarunta Barashada Waddaniyaddu ay tahay meel muhiim u ah dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay u helaan aqoon la xidhiidha waajibaadka muwaadinnimo, ilaalinta midnimada qaranka iyo ka shaqaynta nabadda. Waxa uu ka qaybgalayaasha Tababarka ku dhiirrigeliyey inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan tababarka ah, kana dhex muuqdaan hawlaha bulshada ee wax-ku-oolka ah.
Allah Mahad leh
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadwaynaha ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL.