Agaasimaha Guud Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal) ayaa u soo xidhay tababar labo maalmood socday

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal), oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), ayaa si rasmi ah u soo xidhay tababar labo maalmood socday oo ka dhacay Xarunta Barashada Waddaniyadda ee Wasaaradda. Tababarkan oo ku saabsanaa kobcinta doorka muwaadiniinta ee dhismaha nabadda iyo xoojinta waddaniyadda.
Agaasimaha Xarunta Barashada Waddaniyadda, Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Jaamac, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada tababarka iyo casharradii muhiimka ahaa, isagoo sheegay in tababarku yahay mid ka mid ah dadaallada lagu horumarinayo wacyiga dhalinyarada ee ku wajahan fahamka muwaadinimada, dawladnimada iyo horumarinta qaranka.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka hadlay dhalinyaro iyo aqoonyahanno ka soo qaybgalay tababarka, kuwaas oo si weyn u bogaadiyay doorka tababarka uu ku leeyahay kor u qaadista wacyiga muwaadiniinta.
Agaasimaha hay’adda APICA (Alliance for Peace and Climate Action), Mudane Cabdikarim Maxamed Mustafe, oo ahaa khabiirkii tababarka bixiyay, ayaa ka warbixiyay casharradii la gudbiyay iyo sida dhalinyaradu u muujiyeen faham, firfircooni iyo ka go’naansho ku saabsan doorkooda nabad-dhiska iyo kobcinta dawladnimada.
Dhanka kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), ayaa dhalinyarada ku dhiirrigeliyay fahamka waddaniyadda, nabad-dhiska iyo kobcinta dawladnimada, isagoo xusay in labada wasaaradood ay si dhow uga wada shaqeynayaan sidii loo xoojin lahaa fahamka dawladnimada ee dhalinyarada.
Ugu dambeyntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal), ayaa soo bandhigay qorshayaal istiraatiiji ah oo wasaaraddu ka waddo kobcinta fahamka muwaadiniinta, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshadu si buuxda u fahmaan waajibaadka muwaadinimo, u hoggaansan sharciga, Waxa uu bogaadiyay sida dhalinyaradu uga faa’iideysteen tababarka, isagoo tilmaamay inay yihiin laf-dhabarka bulshada ee dhinacyada nabadda, wadajirka iyo horumarka.
Gabagabadiina Agaasimayaasha guud ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay dhalinyaradii ka qayb qaadatay tababarka.
???????????????????????????????? ???????????????????????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????????????????????????????????????? ???????????? ???????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ????????????.