
Agaasimaha Guud ayaa Furay Tababar ku saabsan Barnaamijka Fahamka Dastuurka ee Muwaadinka
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL, Mudane Khadar Nuur Cabdi “Buubaal”, ayaa maanta si rasmi ah uga furay Xarunta Barashada Waddaniyadda tababar ku saabsan Barnaamijka Fahamka Dastuurka ee Muwaadinka, kaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo aqoonta iyo wacyiga bulshada ee ku saabsan dastuurka dalka.Tababarkan oo muhiimad gaar ah u leh kor u qaadista fahamka dastuuriga ah, waxaa bixinayey Agaasimaha Waaxda Dastuurka, Mudane Axmed Aadan Tubeec, kaas oo si qoto dheer uga hadlay qodobada ugu muhiimsan ee dastuurka, sharaxaadda hab-dhiska dowladnimo, iyo sida ay muhiimka u tahay in la kobciyo fahamka sharciga ugu sarreeya ee dalka.
Sidoo kale, waxaa goobta ka qayb galay Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Maxamed Cismaan Cabdilaahi iyo Agaasimaha Xarunta Barashada Waddaniyadda Cabdirisaaq Yuusuf Jaamac, kuwaas oo labaduba ku dhiirrigeliyey ka qaybgalayaasha in aqoontan ay ka faa’iideystaan, isla markaana ay gaadhsiiyaan bulshada ay ku dhex nool yihiin.
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL.
-
53234687210499009439736085780760408757464202nView
-
53294815610499010273069332362486293829361382nView
-
5170188301049900417306994910228757301116524nView
-
53324805110499008906402804301670684498122681nView
-
53237846210498996273070733946859951928743915nView
-
53092168710499008673069492168524223160217769nView
-
52037871810499004773069884689184620104294693nView
-
53214934510499007773069586583617663035078981nView
-
5194080531049900543973648751560607286364406nView
-
51543663910499007506402947284242648878291739nView
-
53325856310499008306402862476009375431772305nView
-
53305701010499007073069652089479522799606504nView
-
52023436510499006406403052371153056070373793nView
-
51638316310499006273069731903214827717803903nView
-
53155456510499005973069761791584564789279646nView
-
51940714910499004973069865365401818430547197nView
-
53229315410499002739736758618247764235995512nView