Xaflada wareejinta Agaasimihii hore iyo Agaasimaha Cusub

wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL Axmed Aw-daahir Xaji Xasan Iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Mudane Maxamed Muuse Bucul Bookh ayaa manta xilkii Agaasimaha Guud ee wasaaradda u kala wareejiyay Agaasimihii hore iyo Agaasimaha Cusub.
Ugu horeyn waxa madasha ka hadashay agaasimihii hore ee wasaaradda Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo ku dheeratay shaqada iyo wixii u qabsomay mudadadii ay xilka haysay, Waxay sido kale u mahad celisay shaqalaha waynaha wasaaradda gaar ahaan hablaha iyo shaqaale hosaadka, Waxa kale oo ay wasaaradda ku so dhawaysay agaasimaha cusub oo ay sheegtay in ay hore u so wada shaqeeyn jireen, kana markhati kacday aqoontiisa kartidiisa iyo akhlaaqdisa.
Madasha waxa kale oo ka hadlay agaasimaha cusub ee wasaaradda Mudane Khadar Nuur Cabdi Buubaal
Oo ugu horeyn u mahad celiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi magaacibistiisa, Agaasimaha Cusub isaga oo hadalka sii wata waxa u sheegay in maanta isagu u bahaan yahay duco in Alle Xilka ku Asturo maadama oo uu xil umadeed qaaday, Waxaa kale oo u sheegay in wasaaradda loo dhiibay ay tahay wasaaraddii Dastuurka Qaranka u haysay.
Waxaa kale oo xafladda xilwareejinta ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimadka iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasraadda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka iyo marti sharaf kale oo dhamantood sii Sabootiyay agaasimihii hore ee wasaaradda,
Waxa ay sido kale soo dhaweeyeen Agaasimaha Cusub ee wasaaradda waxaayna ugu duceeyen in Allah ku asturo xilka.