
Xafiiska Ingiriiska ee dalka UK ayaa kulan la qaatay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL.
Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL waxaa ku soo booqday wafdi ka socday Xafiiska Ingiriiska ee dalka UK. Booqashadan ayaa ahayd mid qayb ka ah wada-shaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan arrimaha dastuurka, shuruucda iyo horumarinta xiriirka labada dal.Kulankan muhiimka ah waxa hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Axmed Aw Daahir Xaaji Xasan, oo soo dhaweeyey wafdiga Xafiiska UK, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga iyo is-weydaarsiga khibradaha dhinacyada sharciyeynta iyo horumarinta nidaamka dastuuriga ah ee dalka.
Wasiirka waxa kulanka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Khadar Nuur Cabdi 'Buubaal', oo ka hadlay doorka wasaaraddu ku leedahay kor u qaadista wacyiga dastuurka iyo xidhiidhka Golaha Wakiillada iyo Guurtida. Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa Guddoomiyaha Guddida Dib u Habaynta Shuruucda, Prof Mohamoud Xuseen Faarax, oo soo bandhigay dadaallada socda ee lagu dardar-gelinayo dib-u-eegista iyo tayeynta shuruucda dalka, iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, oo sharaxay qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo shaqooyinka iyo istaraatiijiyadda wasaaradda Iyo Xoghaya gaarka ah ee wasiirka Xasan Maxamed Ismaacil.
Wafdiga ka socday Xafiiska UK waxaa hogaaminayay Camilla Lanberg, Ex Second CT Security, iyadoo ay weheliyaan Caitilin Sherrard iyo Mona Hersi, Justice Officer for British Office Hargeisa. Wafdigan ayaa soo bandhigay dadaallada iyo rabitaanka ay ku xoojinayaan wada-shaqaynta labada dhinac.
Wafdiga Xafiiska UK ayaa dhankooda uga mahadnaqay soo dhoweynta wanaagsan iyo wadahadallada wax ku oolka ah, iyagoo ballanqaaday sii adkeynta iskaashiga labada dhinac si loo xoojiyo nidaamka sharci-dejinta iyo hannaanka dastuuriga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Allah Mahad leh
Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL
-
52733713510429695580000804251429742704051213nView
-
52695473410429696813334017747993380025311537nView
-
52801334410429697446667289214415386677781834nView
-
52796699810429698180000542223107011255281025nView
-
52841531810429700446666982081675151997361621nView
-
52758276410429703446666686433747376811455875nView
-
52869302510429703846666641408386658840833134nView
-
52759792610429704779999889033802145574727660nView
-
52848600010429707479999614354400174449018168nView