Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha oo ka qayb galay munaasibad xadhiga lagaga jarayay mashaariic horrumarineed

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Ayaa Maanta Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Kaga Qayb Galay Munaasibad Xadhiga Lagaga Jaray Mashaariic Aad U Tiro Badan Oo Xukuumada Somaliland Ka Hirgelisay Magaalada Burco .Waxana Wasiirku Halkaasi Ka Jeediyey Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Oo Salka Ku Haysa Mashaariicihii Kala Duwanaa Ee Xukuumada Somaliland Ka Fulisay Gobolada Bariga Somaliland Iyo Weliba Kuwa Hadda Gacanta Lagu Hayo .
“ Xukuumada Ummada Somaliland Oodhan Ayaa Dooratay Qoys Iyo Gobol Gaar Ahina Ma Dooran, Cidna Adeege Gaar Ah Uma Aha ,Xukuumadu Maaha Macdaar La Isu Dhii-Dhiibo Ama Xisbi qof Lagu Ilaaliyo Ee Waa Xukuumada Qaran Oo Shacabka Jamhuuriyada Somaliland Oo Dhami Doorteen “ Ayuu Yidhi Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jsl Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Oo Hadalkiisa Sii Watay.