
Wasiirka Wasaaradda oo u waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ayaa Kulan is barasho ah la qaatay shaqaalaha waynaha wasaaradda
Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan oo u waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Khadar Nuur Cabdi Buubaal, Ayaa maanta Kulan is barasho ah la qaatay shaqaalaha waynaha wasaaradda.Shirkan ayaa looga dan lahaa sidii Masuuliyiinta wasaaradda iyo shaqaalahu isku baran lahayeen maadama oo ay Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda uu dhawaan so magacabay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi.
Ugu horeyn waxa kulanka ka hadashay Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaaalaha oo warbixin guud ka bixisay qaybaha shaqaalaha iyo doorka shaqaaluhu ku leeyihiin wasaaradda.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Khadar Cabdi Nuur Buubaal oo sheegay in ay maanta tahay is barasho guud oo shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaaradda, ayaa isagoo hadalkiisa sii wata shaqaalaha u sheegay in ay cusub yihiin Jaanisna la siiyo, Sida ugu dhakhasaha badana waxa looga qaban doona baahiyaha ad so jeedisen Insha Allah.
Waxaa sido kale kulanka ka hadlay qaybo ka mida ah shaqaalaha wasaaradda oo soo jeediyay wixii Talo Tusaale iyo caqabado ah ee ka jira wasaaradda.
Ugu dambeyn waxaa kulanka is barashada ahaa soo
Xidhay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Axmed Aw-daahir Xaji Xasan oo shaqaalaha kula dardaarmay in wakhtiga shaqada la ilaaliyo Agaasimaha Guud ee wasaarada lala shaqeeyo si wasaaraddu u gaadho horumarka la hiigsanayo, Wasaaradduna waxba idinka hagran doonin hawlaha ad ka hadasheena wax badan laga qaban doono INSHA ALLAH.