Wasiirka Wasaaradda Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan oo waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Khadar Nuur Cabdi Buubaal ayaa manta Kulan la qaatay Hay’adda UNICEF.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyasha Iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan
oo waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Khadar Nuur Cabdi Buubaal ayaa manta Kulan la qaatay Hay’adda UNICEF.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la dardar-geliyo sidii ay u wadashaqayn lahaayeen Wasaaradda iyo Hay’adda UNICEF
Sido kalena ay dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland door muhiim ah uga qaadan lahaayeen mustaqbalka dalka
maadama oo ay wasaaradda u diyaarisay xarun loogu talo galay inay ku dhigtaan Waxbarashada Madaniga
si loogu Dhiiri-galiyo inay ka mid noqdaan hogaaminta dalka.

Kulanka waxaa wasiirka Iyo Agaasimaha Guud ku weheliyay Gudoomiyaha Guddida Dib u Haybanta Shuruucda
Mudane Maxamuud Xuseen Faarax,Agaasimaha Qorshaynta Maxamed Cisman, Xoghayaha Wasiirka Xasan Maxamed
Tedla Damte,Noura Iyo Kamal oo ka tirsan Masuuliyiinta Hay’dda UNICEF.

Ugu dambeyntii Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL
ayaa uga mahadceliyey Hay’adda UNICEF taageerada joogtada ah ee ay siiso guud ahaan bulshada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.