Wasiirka Wasaaradda ayaa maanta kormeer iyo indho-indhayn ku tegay Xarunta Barashada Waddaniyadda ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL, Mudane Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan, oo ay wehelinayaan qaar kamid ah agaasime waaxedada wasaaradda, ayaa maanta kormeer iyo indho-indhayn ku tegay Xarunta Barashada Waddaniyadda ee Wasaaradda, taas oo dhawaan dib-u-habayn ballaadhan lagu sameeyey, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey Agaasimaha Xarunta Waddaniyadda Mudane Cabdirisaq Yusuf Jamac (Danakili) iyo Hawl-wadeenada Xarunta Barashada Waddaniyadda.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo Xafiisyada iyo Goobaha shaqo ee Wasaaradda.
Wasiirka ayaa bogaadiyey shaqada dib u habaynta iyo casriyeynta xarunta, isaga oo ku dhiirrigeliyey maamulka iyo shaqaalaha in ay sii laba-laabaan dadaalkooda, si xaruntu uga mid noqoto goobaha ugu muhiimsan ee lagu kobciyo fahamka dimuqraadiyadda, dawladnimada, iyo muwaadinimada.