Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka oo Maanta daahfurtay barnaamijka Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyadda ee degmooyinka Caasimadda Hargeisa

Wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland oo Maanta si toos ah U daahfurtey barnaamijka Barashada Dastuurka Iyo Waddaniyadda ee degmooyinka Caasimadda Hargeisa.
Waxaana Munaasibadaasi Kasoo qayb galay masuliyiinta ugu sareeya Wasaradda xidhiidhka goleyaasha Iyo arrimaha dastuurka somaliland oo uu hor kacayo wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha  iyo madax kale oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Cadaaladda Somaliland Saleban Warsame Guled ,Guddoomiye ku xigeenka komishanka Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa  Somaliland, Masuuliyiin Ka Socdey Dawladda Hoose Ee Hargeisa .
Ugu Horeyn agaasimaha Guud ee wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka somaliland Marwo deeqa Cabdi Yuusuf Oo Munaasibadaasi Furtey Ayaa sharaxdey Ujeedka Guud Ee Kulanka .
' Ujeedada guud ee laga leeyahay tababarka la idin siin doono Waa barashada Dastuurka Qaranka Iyo Waddaniyada " Ayay Tiri Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf Oo khudbad Ka jeedisay Furitaankii Munaasibadaasi .
Dhinaca Kale Waxa Iyana Hadalka Iska daba Qaatey Wasiirka Cadaaladda Somaliland Saleebaan warsame Guleed ,guddoomiye ku xigeenka komishanka maamul wanaaga ,maayir ku xigeenka Caasimadda Hargeisa Cabdicasiis Cagawayne  Iyo Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Hargeisa  Siciid nuur Jaamac Iyagoona Dhammaantoodba Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha dastuurka somaliland Ku bogaadiyey Shaqada wanaagsan ee ay qaranka Uhayso .
Ugu danbayntiina Waxa Munaasibadaasi soo xidhey Maxamed xaaji aadam cilmi Wasiirka xidhiidhka goleyaasha Iyo arrimaha dastuurka Jamhuuriyada somaliland .
" Wasaaraddu Iyadoo fulinaysa Siyaasadda Madaxweynaha ,ta Xisbiga Kulmiye Iyo siyaasadda Qorshaynta Iyo Horumarinta Qaranka Waxay Samaysay Qorsheyaal shacabka lagu barayo dastuurka ,xeerarka Ka farcama iyo  Waddaniyadda Oo Qaarkood Fuleen .
Barnaamijkanina Wuxuu barnaamijyada Kale ee Wasaaraddu Wado Kaga duwan yahay si toos ah ayaa bulshada loo dhex gaynaya isla Markaana loo barayaa Dastuurka iyo waddaniyadda " Ayuu Yidhi Wasiir Maxamed Xaaji Aadam Cilmi Oo Munaasibadaasi soo xidhey .