Tababarka Dastuurka iyo Xeererka dalka ee xubnaha Uruurka Maqalka Naafada ka ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL, Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal), ayaa maanta si rasmi ah uga furay Xarunta Barashada Waddaniyadda tababar ku saabsan Dastuurka iyo Xeerarka Dalka.
Agaasimuhu waxa uu halkaas ka jeediyey khudbad uu ku ammaanay dedaalka xubnaha ururka Maqal-naafada ka ah iyo muhiimadda ay leedahay in la gaadhsiiyo bulshada oo dhan aqoonta Dastuurka iyo xeerarka dalka.
Tababarkan waxaa soo qabanqaabiyay Agaasimaha Waaxda Dastuurka ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Agaasime Axmed Aadan Tubeec, isagoo si faahfaahsan uga hadlay ujeeddooyinka iyo muhiimadda tababarkan, isla markaana tilmaamay in tababarkani uu qayb ka yahay dedaalka Wasaaraddu ugu jirto kor u qaadista wacyiga iyo fahamka Dastuurka Qaranka ee qaybaha kala duwan ee bulshada, si gaar ahna loogu tixgelinayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, si ay uga mid noqdaan ka qaybgalka arrimaha dastuuriya iyo fahamka xeerarka dalka.
Sidoo kale, waxaa goobta ka qayb galay Agaasimaha Xarunta Barashada Waddaniyadda Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Jaamac (Danaakil),oo xusey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo fahamka dastuurka iyo in bulshada laga wacyigeliyo xuquuqdooda iyo waajibaadkooda sharciga ah.