Masuuliyiinta Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Oo xarunta wasaaradda ku Qaabilay Wefti Diblumaasiyiin ah

Masuliyiinta Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Oo Xarunta Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ku Qaabilay Wefti Dibloomasiyiin Iyo Madax Sar Sare Oo Ka Socday Wadamada Xubnaha ka ah midowga Yurub iyo Boqortooyada Ingiriiska oo kala ahaa Germany ,Sweden,Denmark ,Norway, Sweden Finland iyo UK. Kuwaas Maalmahanba Booqasho Ku Joogay Dalka.
Kulankan Oo Saacado Badan Qaatey ayaa Lagu Lafo Gurey Horrumarinta Shuruucda Doorashooyinka ,Dimuqraadiyada,
Fahamka Waddaniyadda Iyo Doorka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland .
Waxa Kale Oo Intii Kulanku Socdey Lagu Falanqeeyay Barnaamijka XILKAS Oo Ah Barnaamij Ay Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Ugu Talo Gashay Inay Shacabku Fahmaan Shuruucda Doorashooyinka , Waddaniyadda Iyo Xuquuqda Cod Bixinta Ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland Jideeyey .
Ugu Danbayntiina Masuuliyiintii Hogaaminaysay Weftiga Oo Uu ka mid ahaa Safiirka UK U fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Ku Hanbalyeeyay Shaqada Wanaagsan Ee Ay Qaranka U Hayso .