Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la qaatay Madax-dhaqameedka, Aqoonyahanka, beelaha Habar-Carfaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la qaatay Madax-dhaqameedka,
Aqoonyahanka, beelaha Habar-Carfaan.
Hargeysa-01-08-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta kulan la qaatay Madax-dhaqameedka,
Aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Beelaha Habar-Carfaan.
Kulankaas oo saacado qaatay, iskuna Xog-waraysteen madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo madaxda
dhaqanku ayaa ugu horayn waxa ay madaxda dhaqanku madaxweynaha la wadaageen arrimo
badan oo danta qaranka iyo ta deegaankaba leh.
Waxaanu madaxweynuhu uga mahadnaqay madaxda dhaqanka iyo aqoonyahankaba doorka
muhiimka ah ee ay ku leeyihiin horumarka deegaanka iyo ka qarankaba. Waxaanu
kulankaasi ku soo dhamaaday isfahan.