Kulanka Wacyigelinta Astaamaha Qaranka ee Waaxaha iyo Xafiisyada Warbaahinta Dawladda.

Xarunta Barashada Waddaniyadda ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ayaa lagu qabtay kulan wacyigelin iyo aqoon
korodhsi ah oo ku saabsan Astaamaha Qaranka. Kulankan waxa si gaar ah loogu martiqaaday waaxaha iyo xafiisyada warbaahinta ee laamaha
kala duwan ee dawladda, si kor loogu qaado fahamka, ilaalinta iyo dhaqangelinta Astaamaha Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Furitaanka kulanka waxa hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka,
Mudane Khadar Nuur Cabdi “Buubaal”, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane
Cabdisalaan Maxamuud Ducaale.
Kulankan waxa soo qabanqaabisay Agaasimaha Waaxda Ilaalinta Astaanta Qaranka ee
Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Amaal Cabdi Maxamuud, iyadoo si faahfaahsan uga
hadashay ujeeddooyinka iyo muhiimadda kulankan, isla markaana ku boorrisay ka qaybgalayaasha in ay kaalintooda ka
qaataan difaaca iyo dhowrista Astaamaha Qaranka.
Masuuliyiinta labada wasaaradood ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda Astaamaha Qaranku u leeyihiin qaranimada,
midnimada iyo aqoonsiga dawladnimo ee Somaliland. Waxay xuseen in warbaahinta qaranku leedahay masuuliyad weyn oo
ku aaddan ilaalinta astaamaha iyo ka warbixinta sida saxda ah ee loo adeegsado.
Intii uu socday kulanku waxa lagu falanqeeyay hababka ugu habboon ee lagu xoojin karo wacyiga bulshada,
iyadoo warbaahinta dawladdu door muuqda ka qaadan doonto faafinta aqoonta iyo ilaalinta astaamaha qaranka,
si jiilka maanta iyo kan mustaqbalku u fahmaan qiimaha ay leeyihiin.
Ugu dambayn, kulankan ayaa lagu soo gebogabeeyay adkeyn iyo ballan-qaad ku saabsan in
waaxyaha iyo xafiisyada warbaahinta dawladdu ay si buuxda u qaataan kaalintooda
ku aaddan ilaalinta iyo sharafeynta Astaamaha Qaranka ee Somaliland.