Barnaamijka Cawayska Waddaniyadda iyo Xuska Maalinta Dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland

Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL iyo Daladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO
Ayaa caawa soo wada qaban qaabiyay Barnaamijka Cawayska Waddaniyadda iyo Xuska Maalinta Dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibada oo ka qabsoontay Xarunta Barshada Waddaniyadda waxaana ka soo qayb galay hadalana ka jeediyay
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal),
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Wacyigalinta iyo Dhaqanka Mudane Cabdisalaan ,
Agaasimaha Xarunta Barashada Waddaniyadda Mudane Cabdirisaq,
Gudoomiyaha Daladda Dhalinyarada ee SONYO Mudane Badri,
Oo dhaamantood ka sheekeyay taariikhda ay malintani u leedahay dhalinyarada iyo Qarankaba.
Waxaa kale oo ka qayb galay Xuska Xildhibaan Siciid Sokeeye
iyo Marwo Kultuun Xaaji Daahir oo ahaa Macalimiintii iyo Ardaydii Maalintii Dhagax Tuurka Goob Jooga ka ahaa dhacdaada.