Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Oo Kulan La Qaadatay Shaqaalaha Wasaaraddaas.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf Oo Kulan Is Barasho Ah La Qaadatay Shaqaalaha Wasàaradda Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland, kulankaas oo ay kasoo qayb galeen badiba shaqaalaha wasaaradda iyo Agaasime waaxeedada kaas oo kusaabsanaa is barasho iyo xog waraysi dhex maray agaasimaha guud ee cusub ee wasaaradda iyo shaqaalaha ayaa ka qabsoomay hoolka wasaaradda. Waxa Isna kulankaa GoobJoog Ka Ahaa Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Iyo Arimaha Dastuurka Somaliland Mudan Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, isaga oo ku booriyay shaqaale weynaha inay ula shaqeeyaan agaasimaha cusub sidii ay awalba ula shaqayn jireen agaasimihii hore iyo si kasii wanaagsanba.
waxa yaguna halkaa hadalo ka jeediyay qaar kamida agaasime waaxeedada iyo shaqaalaha wasaaradda kuwaas  oo soo dhoweeyay agaasimaha guud una balan qaaday inay ula shaqayn doonaan si hufnaan, daacadnimo iyo kartiyi ku dheehantahay.
Ugu danbayn waxa munaasibadda soo xidhay Agaasimaha guud ee wasaaradda marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo uga mahad celisay shaqaale weynaha wasaaradda si wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen una balan qaaday inay si wanaagsan  ula shaqayn doonto dhammaanba shaqaalaha wasaaradda si loo gaadho yoolasha ay higsanayso wasaaraddu.