Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa maanta Kulan isbarasho ah la qaatay Ururada Dhalinyarada ee ka Shaqeeya Wacyigalinta Waddaniyadda iyo Arrimaha bulshada

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane khadar Nuur Cabdi (Buubaal) ayaa maanta Kulan isbarasho ah la qaatay Ururada Dhalinyarada ee ka Shaqeeya Wacyigalinta Waddaniyadda iyo Arrimaha bulshada.

Agaasimaha Guud ayaa u mahadceliyey dhalinyarada kuna dhiirigaliyay Shaqada wadaniyadda iyo is xilqaanka ah ee ay gaadhsiiyaan qaybaha kala duwan ee bulshada, Waxaanu xusay in qorshaha Xarunta iyo Guud ahaan Wasaaradaba uu yahay  Horumarinta Waddaniyadda iyo Dawladnimada taas oo muhiimad weyn u leh bulshada, Si kor loogu qaado wacyigooda  Waddaniyadda, Horumarinta Dawladnimada iyo Shuruucda Dalka.

Agaasimaha Guud waxaa kulunka ku waheliyey Agaasimaha Xarunta Barashada Waddaniyadda iyo Tababarka Dastuurka Cabdirisaaq yuusuf iyo shaqalaha Xarunta.